05
Jul
2024
Shir kusabasan wacyigalinta qoyska iyo Arrimaha bulshada ayaa loo qabtay Gudoomiyayaasha iyo Madaxa Arrimaha Bulshada ee 20ka Xaafadood ee MMJ .
Shirkan oo uu soo agaasimay Maxkamada Guud ee Shareecada DDS ayaa ahaa mid lagu eegayay dhibaatooyinka qoyska iyo sidii loo xalin lahaa maadaamoo ay maamulada xafadaha ay yihiin kuwa ugu horeeya ee ay soo gaadhaan kiisaska dhibaatooyinka iyo burburka qoyska keena.
Ugu dambayn waxaa la isku racay in ay maamulada xaafadahu ay badiyaan wacyigalinta qoyska si looga hortago burburka qoyska iyo in la xoojiyo wada shaqaynta Maxakamada Shareecada iyo Maamulada 20ka xaafadood.