02
Sep
2024
Munaasabaddani oo ay kasoo qaybgaleen hogaaminta ugu sareysa Maxkamadda Guud ee Shareecada Deegaanka, gudoomiyeyaasha maxkamadaha shareecada ee gobollada, Maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka Deegaanka iyo shaqalaaha maxkamada guud ee shareecada Deegaanka ayaa lagu bixiyay abaalmarino kala duwan oo uu isugu jira kutub diini ah, shahaado sharaf iyo abaalmarino kale.
Ujeedada loo qabtay munaasabaddan abaalmarinta ah ayaa ah si loo dhiirigeliyo shaqaalaha hormuudka ah ee kasoo baxay waajibaadka loo igmaday.
Sh. Shaafici Sayid Luqmaan, Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Guud ee Shareecada DDS oo munaasabaddani furay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shaqaaluhu muujiyaan karti iyo firfircooni dheeraad ah si loo xaqiijiyo hufnaan ugu adeegida bulshada.