Dalada macaahida diiniga ah oo maanta laga daah furey magaalada Jigjiga

Sheekh Cabdulahi Khaliif oo ka mid ah xubnaha dallada macaahidda diinta ee DDS ayaa sheegay in dallada looga danleeyahay in macaahidda diiniga in arday ka soo baxda loogu sameeyo manhaj iyo shahaado midaysan si ardayda macaahiddan ka soo baxa ay jaamacadaha kala duwan ee Islaamiga ah ay wax ugaga baran karaan.

Dhankiisa Wasiirka Xafiiska Waxbarshada DDS Mudane. Cabdulahi Cabdi Aadan ayaa mar uu ka hadlayay munaasibadan furitaankeeda sheegay in soo dhawaynayaan dalladani sidoo kalena faray inay xoogga saraan tayaynta waxbarshada, waxaa ka mid ahaa marti sharaftii ka qayb gashay xaflada daahfurka gudoomiyaha Maxkamada sare ee shareecad Mudane Sh. Axmed Aadam 

Dalladan ayaa waxaa ku midoobay 16 macaahid oo Deegaanka ka jira.