23
Oct
2024
Guddoomiyaha Maxkamada Guud ee Shareecada DDS, Sheekh Axmad Haadi Sheekh Maxamuud iyo maamulka kale ee ka midka ah maxkamada guud ee shareecada ayaa ujeedkooda kormeerkoodan yahay qiimayn iyo kormeer ay ku eegayaan hannaanka shaqo ee maxkamada guud ee shareecada gobolka Shabeelle, maxkamada shareecada M.M.Godey iyo maxkamada shareecada degmada Godey.
Ugu dambayn waxay shir la galeen garsoorka iyo maamulka sare maxkamada guud ee shareecada gobolka Shabeelle, shirkaas oo ku saabsanaa xoojinta adeeg bixinta garsoorka iyo jihooyinka qorshaha sanadkan 2017-ka qorshe ahaan u yaalla maxkamada guud ee shareecada DDS, si looga midhodhaliyo hirgalinta qorshahaasi ayaa gunaanadkii go'aano lagu soo kala qaatay.