Islaamka iyo ilaalinta Deegaanka

Ilaalinta Deegaanku waa masuuliyad ina wada saaran, Qur'aankeennu wuxuu inagu boorinayaa in deegaanka laga faa'iideysto, lagana ilaaliyo wax kasta oo kharibaya ama xumeynaya sida xaalufinta , wasakhaynta iyo in looga faa'iideysto si aan habooneen loo isticmaalo.
Rasuulkeennu wuxuu naleeyahay Naxaris Iyo nabadgaliyo dushiisa ha ahatee "Haday saacada qiyaame dhaceyso midkiina gacanta ku hayo laanyar habeero intuu awoodo
."قال تعالي :{ كُلُوا وَاشْرَبُوا مِن رِّزْقِ اللَّهِ وَلاَ
تَعْثَوْا فِي الأَرْضِ مُفْسِدِينَ} (سورة البقرة :جزء من آية 60
عن أنس رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إن قامت الساعة وبيد أحدكم فسيلة، فإن استطاع أن لا يقوم حتى يغرسها فليفعل.
Nabigeenu scw wuxuu ina leeyahay
"Haddii Saacadda Qiyaame timaado oo midkiin gacantiisa iniin ama siidh ku haysto ha beero."
Aayadan iyo Xadiiskani waxay noo cadaynayaan Muhiimada ay siisay diinteena suuban badqabka iyo ilaalainta deeganaka wuxuuna islaamku si weyn u ilaaliyay badqabka iyo fayo dhawraka deegaanka, waxaana ku soo aroortay Nusuus dammaanad qaadaysa badqabka iyo quruxda deeganak isla mar-ahantaana ilaalinaysa kheyraadkiisa kala duwan, waana aragtida qiimaha badan ee ay diintu ka qabto ilaalinta koonka, waxyan reebaysa diinteenu dhammaan sababaha keenaya waxyeelada bini-aadmaka iyo makhluuqadka kale ee ku nool koonka dushiisa.
Hadaba muxuu ku ilaaliyay islaamku bad qabka deegaanka iyo cimilada.
1-In dhirta iyo geeda labeero sida Xadiiska ku cad
2- in laga dheeraado ku xad- gudubka ama deegaanka nooc kasta oo uu yahay
3- in wasakhda iyo qashinka aan la dhigin meelaha aan ku haboonayn si ayna bulshada caafimad darro ugu keenin
4- Waxay dinteenu reebtay in lagooyo geeda iyo dhirta ,maxaa yeelay waxay dhawrsimo iyo daaqba utahay dunyada iyo duur jogta, sida Rasuulku Cadeeyay S.C.W dhanaka kale Islaamku waxuu dhiiri galiyay wax kasta oo lagu ilaalinayo deeganaka iyo bay'ada sida Nadaafada, dhirbeerista , qodashada iyo beerashada dhulka, in wax walba loo isticmaalo dhexdhexaad iyo si baahida markaa taagan ku salaysan.
Amarka beerista dhirta wakhtigan waa kor u kaca sharafta beeritaanka, soo noolaynta, iyo dhismaha koonka, taas oo ka qayb qaadanaysa xaqiijinta aragtiyaha dhaqaalaha cagaaran ee casriga ah.
Sidoo kale waa in meelaha guud ee bulshada ka dhaxaysa waa in la nadiifiyo ( suuliyada , bilaacadaha , masaajida , suuliyada xafiisyada , suuliyada iskuulada, hoolsha shirrarka , meelaha lagu qayilo iwm.