11
Feb
2026
Maamulka Maxkamada Guud Ee Shareecada Dawlada Deegaanka Soomalida oo uu ugu Horeeyo Gudoomiyaha Maxkamada Guud Ee Shareecada Dawlada Deegaanka Soomalida Sheekh Ahmed Mahamed Aaden ( Sh Ahmed Haadi ) iyo ku xigeenkiisa Sh Shaafici Sayid luqmaan ayaa ka qayb galay bandhigga Buugga Xuquuqada iyo waajibaadka Dumarka
Buuggan oo uu qoray Dr. Cali Sh. Maxammuud,
ayaa waxa uu diiradda saarayaa kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan xuquuqda dumarka iyo waajibaadyada saaran, si loo xoojiyo doorka ay ku leeyihiin horumarka, caddaaladda iyo dhismaha bulsho isku dheellitiran.
Gudomiyaha Maxkamadda Guud Ee Shareecada DDS Sh Ahmed Haadi Oo madasha bandhigga buugga ka hadlay ayaa ku dheeraday mudnaanta uu leeyahay buuggani iyo Mawduuca uu qoraagu ka qoray oo ah mid bulshada Muhiim u ah Madama oo ay Maxkamada Shareecadu Shaqooyinkeeda ka midtahay arimaha qoyska iyo Xuquuqaha hooyada iyo Dhalanka Maxkamadu waxay dhiiri galinaysaa Qoraaga buugga Maadama uu door muhiim ah ka qaatay Xuquuda iyo waajibaadka Dumarka
Buuggan uma qorin inaan dhaqaale ka sameeyo ee waxaan u hibbeeyay bulshadayda, lacagta kasoo xarootana waxaan ugu deeqay in bisha Ramadaan lagu afuriyo hooyooyinka danyarta ah", Dr. Cali Sh. Maxammuud, Qoraaga buuggan.
Waaxda Xidhiidhka & Arimaha Dadwaynaha Maxkamadda Guud Ee Shareecada Dawlada Deegaanka Soomaalida( DDS )