Kalfadhiga 2aad ee maxkamada shareecada DDS ayaa ka furmay Hoolka Shirarka ee maxkamada Guud Ee Shareecada
Kalfadhigan oo ay kasoo qaybgaleen Garsoorayaasha maxkamada guud ee shareecada,Gudoomiyayaasha maxkamadaha shareecada ee Gobolada iyo Marti-Sharaf kale
Gudoomiyaha maxkamada guud ee shareecada Sh.Axmed Maxamed Aadan oo furay ayaa soo jeediyay Ajandayaasha shirka oo kala ahaa
1.warbixinta waxqabadka 5tii sano ee la soo dhaafay
2.Xaalada Xalinta Arrimaha Guurka iyo
3.Qorshaha macadka Garsoorka maxkamada shareecada ee ladhisayo
Ansixinta Ajandayaashii kadib waxaa warbixinta waxqabadka 5tii sano ee lasoo dhaafay kalfadhiga kasoo horjeediyay Gudoomiye ku/xigeenka maxkamada Guud ee shareecada DDS Mudane Shaafici Sayid Luqmaan
Kalfadhigan oo ah mid sanadle ah,ayaa lagaga wada hadlayaa Arrimaha ahmiyada uleh istiraatiijiyada lagu hormarinayo qorshayaasha guud ee maxkamadaha shareecada DDS
Gabagabada kalfadhigan waxaa laga soo saaridoonaa Baaqyo ay kamid yihiin Dhanka ARRIMAHA GUURKA
16
Oct
2023