Maamulka Maxkamada Guud ee shareecada DDS ayaa ka qeyb galay Kulan lagu falanqaynayay geeddi-socodka horumarinta manhajka cilmibaadhista iyo qiimaynta manhajka cusub ee afka Carabiga

Maamulka Maxkamada Guud ee shareecada DDS ayaa ka qeyb galay Kulan lagu falanqaynayay geeddi-socodka horumarinta manhajka cilmibaadhista iyo qiimaynta manhajka cusub ee afka Carabiga ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga. 2015-kii t.i ayaa laga ogolaaday dalka in siyaasada cusub ee manhajka waxbarashada lagu soo daro luuqadaha ajaanitka iyadoo golaha kaabineega ee deegaanku ay dhawaan ansixiyeen in fasallada hoose ee dugsiyada deegaanka lagu soo daro manhajka afka Carabiga. Kulankan oo noqonaya kulankii koowaad ee lagu falanqeeyo geedi-socodka manhajka luuqada carabiga iyo fikirka ay bulshadu ka qabto oo uu soo diyaariyay Xafiiska Waxbarashada DDS ayna ka soo qaybgaleen culimo'udiinka, odayaal-dhameedka, haweenka, aqoonyahanka deegaanka iyo martisharaf kale ayaa lagu soo bandhigay doodo lagu falanqaynayay manhajka iyo geeddi-socodkiisa.