Maxkamada guud ee shareecada DDS oo tababr u furtey maxkamadaha MM Deegaanka

Tabababarkani oo ay ujeedadiisu tahay sidii garsoorayaasha maxkamadaha shareecada ee maamul magaalooyinka deegaanka fahan buuxa looga siin lahaa geedi socodka sharci, habka dacwadaha shareecada iyo qaabkii loogu adeegi lahaa bulshada isla mar ahaantaasina uu furay gudoomiyaha maxkamada guud ee shareecada DDS ayaa socon doona muddo labbo maalmood ah.

Sh. Axmed Maxamed Gudoomiyaha Maxkamada Guud ee shareecada DDS ayaa tilmaamay in astaanta garsooruhu tahay cadaalad iyo hanaan wanaagsan oo loo baahanyahay inuu ku maamulo kiisaska uu gacanta ku hayo garsooruhu, isagoo xubanaha tababar qaatayaasha ah kula dardaarmay in cashirada ay halkan ku qaataan ay usii dhaadhiciyaan goobahooda shaqo.