Qiimaynta Warbixinta Waxqabadka 9-ka Bilood ee Maxkamada Shareecada Gobolka Erer iyo Degmooyinka Gobolka

Shirka qiimaynta warbixinta waxqabadka 9-ka bilood ee maxkamada shareecada gobolka Erer iyo degmooyinka gobolka ayaa ka qabsoomay magaalada Fiiq. 
Shirkan oo ay shir-gudoominayeen xubno ka socday Xafiiska Maxkamada Guud ee Shareecada DDS ayaa daarnaa qiimayn, dabagal iyo in isbaddalkii kahor ay maxkamadda shareecadu ahayd meelihii aan helin mudnaantooda islamarkaana cadaadis badan lagu hayay xilligii nidaamkii hore, balse isbaddalkii kaddib ay xukuumadda mudnaan gaar ah siisay sidii ay garsoorayaasha ka hawlgala maxkamadda loo sugi lahaa xuquuqdooda, kobcinta aqoontooda si ay u gutaan waajibkooda shaqo bulshadana u siiyaan adeeg hufan oo caddaalad ah. 
Dhanka kale in lagu saxayo dhaliilaha jira ee la xidhiidha habka maaraynta kiisaska si bulshadu wakhti kooban ugu helaan adeeggyada maxkamadaha shareecada.