18
Mar
2026
Maxkamadda Guud ee Shareecada DDS, fadhi ay yeelatay galabta oo Arbaca ah, kuna taariikhaysan 29/09/1447, una fadhisatay raadinta iyo xaqiijinta bisha Shawaal, iyadoo la raacayo xadiiski Rasuulka (SCW) ee macnihiisu ahaa “aragti kusoma, aragti-na ku afura”, eaxay maxkamadu xaqiijisay go’aannada soo socda:
-Inaysan sugnaanin aragtida bisha Shawaal.
-In maalinta bari ah, oo Khamiis ah, ay tahay dhamaystirka 30-ka bisha Ramadaan.
-In maalinta Jimcaha ay tahay 1-da bisha Shawaal, oo ah Ciidul-Fidrida.