Waxaa maanta oo jimce ah soo booqday Maxkamadda Shareecada ee DDS Caalimka Somaaliyeed Sh Muxumed Cabdi Umal oo waayadanba Deegaanka ku marayay arrimo Dacwo iyo Booqashooyin kalaba, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay markii uu sheekhu yimid gudoomiyaha Maxkamadda shareecada Sheekh Axmed haadi iyo ku xigeenkiisa Sh Shaafic luqmaan, garsoorka iyo masuuliyiinta xafiiska.
masuuliyiinta xafiiska ayaa sheekha uga warbxiyay Guud ahaan Shaqooyinka uu xafiisku qabto, istiraatjiyada u taala, iyo waxyaabihii u qabsoomay is badalkii kadib, sidoo kale waxay xog muhiima ka siiyeen Macadka imaamu Shaafici ee xafiisku qorshaynayo in dhawaan laga dhiso magaalada dhagaxbuur oo hawshiisii meel fiican marayso, kaasoo lagu wado inuu noqodo macad daboola dhamman baahiya aqoon korosi ee karsoorka shareecada Deegaanka ka jiray.
Sheekha ayaa bogaadiyay da'daallada iyo shaqooyinka uu xafiisku ka sameeyay dhanka tayaynta maxkamada is badalkii kadib ee mudan in lgaga daydo.
Sidoo kale
Gabagabadii kulankan sheekha ayaa u soo jeediyay maamulka xafiiska talooyin wax ku oola, isaga oo sheegay inuu ku faraxsanyayay horumarka balladhan ee Deegaanka ka hanaqaaday mudooyonkii dambe, isaga oo xusay in fursada wanaagsan laga faaiidaysto.
05
Jul
2024