Tababar

Waxaa maanta soo Xidhmay Tababarka Habka Daceadaha’Cadaymaha iyo Xeerka Qoyska oo Loo qabtay Qudaada Maxkamadaha Shareecada Ee Gobolada Erar, Nogob iyo Degmooyinkooda oo lagu hayay Magaalada Fiiq Ee Xarunta Gobolka Erar
Tababarkan oo mudo laba maal mood ah usocday garsoorayaasha maxkamadaha Gobolada Nogob Erar iyo dagmooyinkooda ayaa waxaa la siiyay cashiro kala duwan si kor loogu qaado garaadka aqooneed ee Quddaada si bulshada ay usiiyaan adeeg cadaaladeed oo dhamaystiran
Ugu Dambaytii waxaa Tababarka soo Xidhay Gudomiyaha Maxkamada Guud Ee Shareecada Dawlada Deegaanka Soomalida ( DDS ) Sh Ahmed Mahamed Aden Sh ( Ahmed Haadi ) Oo garsoorayasha kula dar daaramay in ladhaqan galiyo cashiradii ay qaateen laguna dhaqmo Gudomiyaha oo dar Dara kiisa sii wata ayaa intaas ku daray in garsoorayaashu ay joigteeyaan barashada culuumta sharreecda oo ay mar waliba ku dadaalan sidii ay u korodh sanlayaahyeen culmi iyo aqoon Garsoorku waa in uu ahaadaa mid dhex dhexaad ah oo bulshada si siman ugu adeega
Wixii Faah Faahina whatsapp +251 91 250 3431
W: Q:- Waaxda Xidhiidhka & Arimaha Dadwaynaha Maxkamada Guud Ee Shareecada Dawlada Deegaanka Soomalida