07
Feb
2026
Waxaa maanta Magalada Fiiq Ee Xarunta Gobolka Erar ka qabsoomay Tababarka Habka Daceadaha’Cadaymaha iyo Xeerka Qoyska oo Loo qabtay Qudaada Maxkamadaha Shareecada Gobolada Erar, Nogob iyo Degmooyinkood
Waxaana ugu horayn Tababarka furay Gudomiya Maxkamada Guud Ee Shareecada DDS Sh Ahmed Mahamed Aaden ( Sh Ahmed Haadi ) waxaa uuna ka hadlay ahmiyada uu leeyahay tababarkani isaga oo intaas ku daray in aytahay sababta ugu wayn ee Loo qabtay Kor uqaadida awooda garsoorka iyo tabihii Loo marilahaa in adeega cadalada Sare Loo qaado
Intii uu tababarkani socday ayaa waxaa garsoorayasha lasiiyay cashiro ku saabsan habka Dacwadaha Loo qaado oo uu bixi ayay Gudomiye ku xigeenka Maxkamada Guud Ee Shareecada DDS Sh shaafici Sayid Lumaan Sidookale waxaa laga dooday isla cashiradii laqaatay oo la isla falanqeeyay waxaana su’aalo kala duwan laga waydiiyay garsoorka iyaga oo jawaabo waafi ah ka bixiyay waydiimihii la hor dhigay intii ay falanqayntu socotay
Waaxda Xidhiidhka &Arimaha Dadwaynaha Maxkamada Guud Ee Shareecada DDS