Tababarka Habka Dacwadaha’Cadaymaha iyo Xeerka Qoyska oo Loo qabtay Qudaada Maxkamadaha Shareecada Ee Gobolka Faafan iyo Maamulka magalada jigjiga

Waxaa maanta Magaalada Jigjiga ee Casimada DDS ka furmay Tababarka Habka Dacwadaha’Cadaymaha iyo Xeerka Qoyska oo Loo qabtay Qudaada Maxkamadaha Shareecada Ee Gobolka Faafan iyo Maamulka magalada jigjiga
Tababarkan ayaa waxaa uu qayb ka yahay dadaalada uu xafiisku ugu jiro dhisidda iyo xoojiyo garaadka aqooneed ee Qudaada maxkamadaha Shareecada
Waxaana ugu horayn Tababarka furay Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Guud Ee Shareecada DDS Sh Shaafici Sayid Luqmaan waxaa uuna kabhadlay in ujedada ugu Wayn ee tanabarka Loo qabatay a tahay kobcinta iyo kor uqaadida garaadka aqooneed ee garsoorayaasha Maxkamadaha Shareecada
Mudadii uu Tababarku socday ayaa waxaa Qudaada lasiyay cashiro la xidhidha Habka dhagysiga dacwadaha kiisaska sida maalin laha ah usoogala Maxkamadaha Shareecada waxaa kale oo cashirada ka mid ahaa xeerka qoyska iyo arimaha la Xidhiidhka xuquuqaha
Waxaana cashirka bixinayay Agaasinka waaxda garsoorka Maxkamadda Guud Ee Shareecada DDS Sh Ahmed sh Xuseen
Ugu dambayntii waxaa garsoorayaasha Tababar qaatayaasha ah lagula dar daaramay in cashirada ay qateen ay dhaqan galiyaan si Loo helo qudaad ku hubaysan aqoon dheeraad ah
Waaxda Xidhiidhka &Arimaha Dadwaynaha Maxkamada Guud Ee Shareecada DDS