Wasiirka xafiiska madaxtooyada DDS oo maanta soo kormeerey xarunta Maxkamada shareecada

Ujeeddada kormeerka oo  ahayd in wax laga ogaado nidaamka shaqo galka xafiisyada, ilaalinta saacadaha bulshada loo adeeggo iyo adeeg bixinta guud ee xafiisyada ayaa sidoo kale shaqaalaha lagu dhiirrigalinayay u adeegidda bulshada si kor loogu qaado qanaca macaamiisha bulshada.

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS ahna kusii simaha Madaxwaynaha Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D) oo kormeer ku tagay xafiisyada heer deegaan oo gudanaya shaqooyinkooda maalin laha ah ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta xafiisyada iyo shaqaalaha in la dardargeliyo u adeegidda bulshada.