Xuska Maalinta Qawmiyada Itoobiya

Waxaa sharaf u ah DDS in uu marti-galiyo maalinta xuska qoomiyadaha ee 29 bisha Gudba( Hidhar)  , oo ah maalin taarikh iyo qiimo weyn ugu fadhiyada qoomiyadaha iyo shucuubta Dalka maadama ay ku astaysantahay malinkii dastuurka dalka la ansixiyay dastuurkaas oo ah Dastuurkii kowbaad ee damaanad qaaday xuquuqda iyo sinaanta qoomiyadaha dalka oo dhan. ( xaqa Dhaqanka, Diinta iyo Deegaanka )
Hadaba shacabka deegaanka soomaalidu waa  in aynu  martidaa kala duwan ee noo imaanaysa sifiican usoo dhawaynaa madaama aynu nahay shacab muslim ah dinteena suubana ay karaamaysay martida , una umuujinaa dhaqanka wanagsan ee soomaalidu caanka ku tahay, waxaa kale oo shacabka DDS looga baahanyahay in la ilaaliyo nabad-galiyada iyo xuquuqda martida , Culimada deeganka waxaa dhankooda looga bahanyahay in ay sii laban laabaan dadaalkooda sifiicana ugaga qaybqaataan kaalintooda soo dhawaynta iyo tusida dhaqanka wanagsan ee diinta iyo islaamka.
Ilah ha inoo dhib yareeyo dhamaan howlaha inoo yaala hana inagu guuleeyo.
Shafici sayid luqmaan ( Alciini)
Gud. Kuxigeenka maxkamada shareecada deegaanka.